Wiil Soomaali Canadian u dagaalama ISIS oo sheegay inay weerar ku yihiin magaalada New York (Daawo Video)

by mahad | Saturday, Sep 27, 2014 | 7108 views

Wiil Soomaali Canadian lagu magacaabo Mohamed Farah Shirdoon oo la baxay magaca Abuu Usamah Al-Somali ayaa sheegay in ISIS ay weerar ku yihiin magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wiilkan oo u adeer u yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon ayaa bil ka hor la sheegay inuu ku geeriyooday Ciraaq, balse markii dambe uu sheegay inuu nool yahay kuna dhaawacmay dagaalkaas.

Abuu Usamah oo wareysi siiyay Telefishinka VICE ayaa sheegay in ilaa 10-kun ilaa 15-kun oo dagaalyahano ajnabi ay u dagaalamaan Dowladda islaamiga Ciraaq.

“Insha Allah waxaa sida sida ugu dhaqsiyaha badan ku diyaarineynaa weeraro aan ku qaadno magaalada New York, waxaa halkaas ku diyaarsan walaalaheena oo abaabulaya weeraro cajiib ah”ayuu yiri Wiilkan Somali Canadian ah oo Barta Skype wareysi ku siiyay telefishinka VICE.

Waxaa uu sheegay inuu haatan ku sugan yahay muddo bil ah magaalada Moosil ee dalka Ciraaq, waxaa uu ku eedeeyay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka inay ku garab siinayaan Mareykanka iyo xulafadiisa duqeymaha, isla markaana uu Alle la jiro, uuna doonayo inuu qaato shahaado sida uu yiri.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inay bur burin doonaan diyaaradaha ay wataan isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka, waxaa uu intaa ku daray inay diyaarinayaan weeraro ay ku qaadaan Ciidamada Kurdiyiinta.

Daawo Video-ga

Like it? Share it!