Beel ka mid ah beelaha dega Sh/Dhexe oo ku hanjabtay inay kalsoonida kala noqoneyso dowladda

by A M | Tuesday, Sep 30, 2014 | 2871 views

Kulan ay isugu yimaadeen maanta dhalinyarada iyo haweenka beesha Gaaljecel ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ku hanjabeen in ay kalsoonida kala noqon doonaan dowlada Soomaaliya hadiii aysan ka helin xaqa ay ku lahaayeen gobolka Sh/dhexe.

Maryan Muxumed Kuulow oo ku hadleysay magaca haweenka beesha Gaaljecel oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in kalsoonida ay kala noqonayaan DFRS hadii aysan ka helin xubintii ay ku lahaayeen Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay C/waaxid Abuukar Cali Maqaney oo ku hadlayay magaca gudoomiyaha ururka dhalinyarada beesha ayaa isna sheegay in ay kalsoonida kala noqonayaan dowlada dhalinyarada Gaaljecel, waxa uuna tilmaamay in cadaalad daro ka tirsanayaan habka loo maray dhisida maamulka gobolka.

Hanjabaada ayaa ka dambaysay kadib markii shalay ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha C/hi Goodax Barre kaasoo lagu soo magacaabay afar guddoomiye ku xigeen oo uu yeelanayo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Waxayna beesha Gaaljecel labadii maalmood ee la soo dhaafay ka wadeen magaalada Jowhar kulamo ay ugaga hadlayaan sida ay ka yeelayaan kadib markii Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel wareegtada soo baxday lagu sheegay in uu noqonayo guddoomiye ku xigeenka 4aad ee maamulka gobolka Sh/dhexe.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa ka biya diiday wareegtadan ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya waxayna ku tilmaameen in aan lagala tashan magacaabista guddoomiye ku xigeenada.

DSC00003 DSC00006 DSC00008 DSC00011 DSC00014 DSC00165 DSC00169 DSC00180 DSC00198 DSC00209 DSC00214

Like it? Share it!