Galmudug oo heshiis lagu dhisayo Dekedda Hobyo La Saxiixatay Shirkaddo Caalami ah

Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa heshiis lagu dhisayo Dekedda Hobyo la saxiixatay Shirkadda Oriental oo ah Isbahaysi ka kooban Seddex Shirkad oo Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali ah.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Galmudug u saxiixey Wasiirka Dekadaha iyo Kulluumeysiga Galmudug Abdisabir Nur Shurie, halka Shirkadda Oriental ay metelayeen shirkadaha kala ah Crom LTD, Hobyo Invesment LTD, Indian Ocean Holding LTD.

Madasha Saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Shirkadda Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, oo kala talinaya dhinaca Sharciga Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Shirkadda Oriental oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan kadib markii bilihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan ay la qaateen wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Md. Abdisabir Nur Shurie, shirkadaha ugu tayada wanaagsan arrimaha horumarinta Dekedaha iyo Maamulka Mashaariicda Waaweyn ee horumarinta kaabaayaasha Dhaqaalaha, Islamarkaana waafaqsan shuruudaha maalgeshiga Galmudug, ee uu fadhigoodu yahay dalalka Turkey, UK, Belgium iyo Netherland.

Si loo bilaabo dhismaha Dekadda Hobyo waxaa la rajaynayaa in ay dalka soo gaaraan kooxda sahanka hore dhammaadka bishan, si ay u bilaabaan fulinta qodobada Heshiiska; Heshiiska Shirkadda Oriental ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah maalgelinta dhismaha iyo howlgelinta Dekedda Hobyo.

Wasiir Abdisabir Nur Shurie ayaa waxa uu bogaadiyey heshiiskan waxa uuna sheegay in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee Sahanka si ay u qiimeeyaan hababka kala duwan ee dhismaha iyo howlgelinta Dekedda, farsamada, saameynta deegaanka & Bay’ada iyo guud ahaan diyaarinta qorshe buuxa oo cilmiyeysan, islamarkaana waqtiyeysan oo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, halka Wajiga labaad ee dhismaha uu bilaaban doono Bisha Maarso 2021”, ayuu yiri Wasiir Saabir oo intaasi ku daray. “waxaa xaqiiqo ah in dhismaha Dekedda Hobyo ku soo kordhin doonto isbedel dhaqan-dhaqaale oo muuqda nolosha Maalaayiinta ku nool Galmudug iyo dowlad-goboleedyada la deriska ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More