Abiy Ahmed oo amray in Milatariga dalkiisa tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreega

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa amar ku siiyay militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkaana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigreeda uu ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

Rai’sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah.

Sida ay sheegtay shirkadda la socodka xorriyadda internet-ka ee Netblocks- waxaa gobolka Tigreeda ka go’an maanta internetka iyo khadka talefoonada.

Horraantii toddobaadkan gudoomiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay maamulka rai’sul wasaare Abiy in ay kala shaqeynayaan dowladda dalka Eritrea si loo diyaariyo weerar gobolka lagu soo qaado.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka itobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ak dib Abiy uu xukunka kala wareegay 2018.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli muddo bilooyiin ah ay sii kordhaysay xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Tigreega.

Waxay sidoo kale arrintani ay ku soo beegmaysaa xilli maalintii shalay ahayd 32 qof oo amxaaro ah lagu dilay gobolka Oromiya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More