Dowlada Maraykanka oo xaqiijisay dilka Axmed Godane

by A M | Friday, Sep 5, 2014 | 5888 views

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay inay dileen Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, kadib markii horaantii todobaadkan ay diyaaradaha aanay cidna wadin ku weerareen kolonyo uu la socday meel u dhow deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Pentagon-ka Mareykanka ayaa horay u sheegay inay baarayaan natiijada weerarkaas, oo lagu beegsaday hogaamiyaha Shabaab Axmed Cabdi Godane.

“Waxaa xaqiijineynaa in Ahmed Godane oo ahaa aas aasihii Al-Shabaab in la dilay”ayuu yiri John Kirby oo ah Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka war saxaafadeed uu soo saaray

Goor sii horeysay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in la dilay Axmed Godane, kaasoo ahaa sheegashadii u horeysay ee dowladda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed in Godane uu dhintay”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook uu leeyahay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay dalka Wales, isagoo ka qeyb galayay kulan madaxeedka NATO ayaa xaqiijiyay in Godane lagu dilay weerar dhacay maalintii Isniintii ee 1-dii bishan September.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo beeninaya warkan iyo in kale.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Like it? Share it!