Ammaanka qeybo ka mid ah Muqdisho iyo xarumaha dowladda oo si aad ah loo adkeeyay

by A M | Saturday, Sep 6, 2014 | 2970 views

Ammaanka magaalada Muqdisho iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda ayaa si aad ah loo adkeeyay, kadib markii Wasaarada Amniga Qaranka ay soo saartay digniin ku aadan weeraro argagixiso oo Al-Shabaab ay doonayaan inay ugu aar-gudaan Hogamiyahooda la dilay.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa maanta lagu arkay qeybo ka mid ah wadooyinka muhiimka iyo isgoysyada caasimada, iyagoo sugayay ammaanka, isla markaana baaritaan ku sameynayay gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Gawaarida ayaa baaritaano ka duwan sidii hore lagu sameynayay, iyadoo intii ay socdeen howl galadan baaritaanka ah wadooyinkana ay ka jireen saxmad iyo mashquul aad u ballaaran.

Xarumaha dowladda sida Wasaaradaha iyo kuwa laamaha amniga ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka qaar ee hor mara, taasoo ah mid feejignaan ku jirto oo la doonayo in lagaga hortago weeraro laga yaabo in lagu soo qaado.

Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Ereg oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay inay dhici karto weeraro argagixiso oo ay soo qaadaan

Al-Shabaab, kadib dilkii Hogaamiyahooda Axmed Cabdi Godane.
Al-Shabaab ayaa ka hadlin wali geerida hogaamiyahooda, mana xaqiijin mana beenin ilaa iyo hada, taasoo keeneysa shaki badan.

Like it? Share it!