Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo bilaabatay

Waxaa goordhow ka bilaabatay magaalada Jowhar doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyadoo doorashadana ay ku tartamayaan afar musharax.

Xilka Madaxweynaha Hirshabeele  ayaa waxaa ku tartamaya Cali Guudlaawe Xuseen iyo  C/raxmaan Jimcaale Cismaan. Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ku tartamaya  Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

kala soco natiijada doorashada jowhar.com

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More