C/raxmaan C/shakuur oo aqbalay raalli gelintii Kheyre, kuna baaqay in…

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore ahna Musharax Madaxweyne uu hoygiisa ku soo booqday, isla markaana cudur daar ka bixiyay weerarkii 17 december 2017 lagu qaaday gurigiisa.

Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017″ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee ku lug lahaa weerarkaas inay ka faa’ideystaan fursadan oo ay weli u furan tahay.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa caawa booqday hoyga Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, isagoo meesha ka saarayay wixii mad madow ah ee jiray intii uu hayay xilka Ra’iisul Wasaaraha oo mucaaradka ka tirsanayeen dhibaatooyin kala duwan oo Xukuumaddiisa qeyb ka aheyd.

Maalinta berri ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka furmo shir u dhaxeeya Musharaxiinta, waxaana shirkaas uu socon doonaa muddo saddex cisho, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More