La taliyaha Amniga Itoobiya oo socdaal ku yimid Muqdisho, lana kulmay Madaxweyne Farmaajo

La taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Itoobiya Gedu Andargacho ayaa maanta socdaal lama filaan ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Gedu Andargacho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid, Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo xubno kale.

La Taliyaha Amniga Gedu ayaa farriin uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaludin ayaa goordhow bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka soo saartay kulankan, socdaalka La Taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xilka looga qaaday war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga hadashay xaalada Itoobiya, iyadoo markii dambe bartiisa Twitter-ka ku beeniyay inuu jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku saabsan dagaalka Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More