Musharaxiinta Madaxweynaha oo shir guddoon doortay (Sheekh Shariif oo…)

Musharaxiinta Madaxweynaha oo maalintii 4aad shir uga socda magaalada Muqdisho ayaa maanta doortay shir guddoon.

Guddoomiye ayaa waxaa loo doortay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Xogheyn waxaa loo doortay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda, halka Afhayeen loo doortay Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore.

Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa maanta laga soo saari doonaa War murtiyeed.

Saddexdii maalmood ee shirka u socday Musharaxiinta Madaxweynayaasha ayaa kulamo gaar gaar la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada rayidka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More