Joe Biden oo magacaabay xilal muhiim ah

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu magacaabay xilal muhiim ah oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibbada ayaa loo magacaabay Antony Blinken oo hore u soo noqday ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo ku xigeenka la taliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama.

Blinken ayaa sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xiriira oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba.

Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka.

Xilalka kale ee muhiimka ah ee uu magacaabay Joe Biden oo weli loo dhaarin xilka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Sirdoonka Qaranka CIA oo uu u magacaabay Avril Haines waana haweenaydii ugu horraysay ee agaasime ka noqota sirdoonka qaranka. Ms Haines waxa ay hore ku xigeen ugu soo noqotay agaasimaha CIA-da iyo lataliye ku xigeenka ammaanka qaranka.

Alejandro Mayorkas ayaa loo magacaabay xoghayaha ammaanka gudaha waana qofkii ugu horreeyay ee Latino ah oo loo magacaabo inuu noqdo Xoghayaha Ammaanka Gudaha. Waxa uu hore u soo noqday ku xigeenka xoghayaha ammaanka gudaha ee maamulkii madaxweyne Obama.

Jake Sullivan waxaa loo magacaabay lataliyaha ammaanka qaranka ee Aqalka Cad. Mr Sullivan waxa uu muddo xileedkii labaad ee Mr Obama, Biden u soo noqday lataliyaha ammaanka qaranka.

Linda Thomas-Greenfield waxaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka u fariinsan doonta Qaramada Midoobay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More