Lafta Gareen oo difaacay Guddigii doorashada uu soo magacaabay, si kululna u weeraray…

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa difaacay Guddigii doorashada uu soo magacaabay, isagoo sheegay in maamulkiisa ahaa kii u horreeyay ee soo magacaabay Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed.

C/casiis Lafta Gareen ayaa si kulul u weeraray Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka hor-yimid Guddigii uu soo magacaabay, waxaana uu sheegay in cid kasta oo reer Koofur gableed ah ay taageersan yihiin wixii ay sameeyeen.

Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta eedeymaha u soo jeediyay inay inta meel fariistaan ay dib u eegaan wixii ay horay u soo sameeyeen sida uu yiri.

“Dadka shiraya ee diiddan Guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan waxay hore usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad hore u soo sameyseen”ayuu yiri C/casiis Lafta Gareen.

Lafta Gareen ayaa ka codsaday Maamulada Puntland iyo Jubbaland inay soo magacaabaan Guddiga ku dhiman, si shaqada u bilaabato, isla markaana aan la gelin firaaq siyaasadeed.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay dhowaan soo saareen waxay Koofur Galbeed ugu baaqeen inay xubnaha Guddiga doorashada ay soo magacaabeen ka saaraan shaqaalaha rayidka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More