Wasiirka cusub ee wasaarada Arrimaha Dibbadda oo maanta xilka la wareegay

Munaasabad uu Xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa maanta ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fadraalka, Wasiiro hore, Xildhibaano iyo Safiiro.
Ugu horeyn ayaa waxaa halkaas ka Hadlay Gudoomiyaha Gudiga Arimaha dibadda ee Baarlamaanka fadraalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Biixi Cige.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada Cusub ee loo igmaday.

Wasiiraka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay inuu sii amba qaadayo shaqada Wasaardda Hogaankeeda uu qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More