Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho

by A M | Friday, Nov 7, 2014 | 5154 views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib shir madaxeedka Urur Gobolaadka IGAD oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo ahaa mid maalin ah ayaa looga hadlay xaalada Koofurta Sudan, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo sidii dadaalada xalka looga gaarayo qalalaasaha siyaasadeed loo xoojin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare C/wali iyo xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Soomaaliya ayaa qeyb ka aheyd dadaalada xalka loogu raadinayay qalalaasaha ka taagan dalkaas, maadaama Soomaaliya ay xubin ka tahay Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa shirar gaar gaar la yeeshay Madaxda urur goboleedka IGAD, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ammaanka Gobolka ah.

Dib u soo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay, iyadoo shalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha.

Like it? Share it!