Axmed Madoobe”Doorasho kuma dhici karto qaabka ay hadda wax u socdaan.”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo waxana uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in aanay doorasho ku dhici karin sida maanta tahay, isagoo caddeeyay in aanay doorasho dhaceyn illaa Maamulka Gedo gacantooda ku soo noqoto, isla markaana Guddoomiyaha Gobolka Gedo iyo Kuxigeenkiisa ay ka tagaan Gobolka.

“Dadka maanta Mas’uuliyadda dowladda Federaalka ay saaran tahay ee Madaxweynaha iyo cida kale waa inay kala saaraan habraaca doorashada sida ay u dhaceyso doorashada iyo Ololahooda siyaasadda”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku tilmaamay qaabka ay wax u socdaan ee diyaargarowga doorashada inuu yahay mid afduub ah.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay Jubbaland magaalooyinkeeda ay ka dhacaan Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoona ugu baaqay Madaxda dowladda inay fuliyaan heshiiskii Doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyay kulanka ay dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More