Xuseen Macalin “Waxaa cadaatay in Villa Somalia abaabuleyso cagajugleyn diimeysan iyo dhiig baneysi siyaasadeed… “

La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa ka digay qatar ku aadan in la isku dhex milayo siyaasadda doorashada iyo cagajugleyn diimeysan oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Siyaasiyiin iyo Mas’uliyiin ka tirsan dowladda.

“Waxaa ii muuqata qatar in la isku dhex milayo siyaasaddii doorashada iyo cagajugleyn diimeysan oo looga bartay kooxaha xagjirka ah oo ummadda dhiigooda baneysan jiray, iyagoo adeegsanaya aayado jeebkooda ah”sidaa waxaa yiri La Taliyihii hore ee Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

Waxaa uu sheegay in Villa Somalia ay hadda ku cadaatay inay abaabuleyso dhiig baneysi tartan siyaasadeed ah, arrintaas ay tahay qatar ku cusub dalka oo laga hortago.

Ugu dambeyn Xuseen Macalin ayaa ugu baaqay Culimada inay arrintan ka hortagaan inta aysan xidideysan, inta aan laga shalaaynin dhaq dhaqaaqa Farmaajo bilaabay ee ah in siyaasiyiinta aayado isugu dhiig baneystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More