Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe kadib safar uu ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Garowe ayaa la xiray maanta taasoo hakad gelisay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

Madaxweyne Deni ayaa hadal uu jeediyay kadib imaanshihiisa waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool degaannada puntland looga baahan yahay inay isku duubni muujiyaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo ka fulin doonaan meelaha ay Puntland kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

“Puntland waxaa diyaar u tahay inay sugato amnigeeda sidoo kalena ay ka qeyb qaadato dowlad dhisida Soomaaliya, waxaana codsan lahaa in laga wada qeyb qaato sugida Amniga degaannada Puntland lagana howlgallo meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka mid ahaa madaxdii maamul goboleedyada ee ka qeybgashay shirkii loogaga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxana uu kadib markii uu shirka dhamaaday uu safar ugu ambabaxay wadamada Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More