Midowga Musharaxiinta oo digniin u diray Madaxweyne Farmaajo (Farriin culus)

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa war ka soo saaray Guddoonkaay iska doorteen Guddiga doorashada ee dowladdu magacawday oo wali lagu muransan yahay.

War saxaafadeed ka soo baxay Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in la iska dhega tirayo baaqii Musharaxiinta ee ahaa in la qabto doorasho la isla ogol yahay iyo ku sii adkeysi tabihii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo ku boobi lahaa.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku wargeliyay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka inay qaadayaan tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ka dhaco firaaq Dastuuri ah.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa uga digay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay sii dhamaaneyso inuu qaadayo cawaaqib xumada ka dhalata ku adkeysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More