Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo shir isugu imaanaya

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa shir kale isugu imaanaya, si loo xaliyo caqabadaha ku horgudban doorashada.

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee loo yaqaano Somalia Partnership Forum ee maanta ka furmay Muqdisho ayaa looga hadlay ahmiyada ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, isla markaana loo dhan yahay.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay doorasho loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada oo dhan qeyb ka yihiin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si horay loogu socdo, arrimaha jira laga hadlo.

Kaddib khudbada James Swan uu heediyay ayaa waxaa ka daba hadlay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku daray inuu maalmaha soo socda u socdo magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Garowe, sidoo kalena Muqdisho ay shir isugu imaanayaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Khilaafka ka taagan hannaanka doorashada iyo guddiyadii la magacaabay ayaa waxay noqdeen kuwo hakad geliyay wixii la qaban lahaa, gaar ahaan jadwalkii doorashada ee la soo saaray bishii October.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More