Qoorqoor oo ku baaqay in laga fogaado wax kasta caqabad ku keeni kara heshiiska doorashada

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku keeni kara heshiiska, isla markaana doorashada taabagelinteeda, habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda ka wada shaqeeyaan.

Waxaa uu sheegay in wixii tabasho ee jira heshiiska gudihiisa la isku qanciyo, lana isku tanaasulo, si arrimaha doorashooyinka guul ku dhamaadaan.

“Waxaa Galmudug ka go’an in mar labaad door shariif ka qaadato habsami u socodka doorashooyinka iyo hirgelinta, tabashooyinka jira la iska qanciyo, sida caadada aheyd dadaalkaas waa ku jirnaa waana waajibaad na saaran horayna uga soo qeyb qaadanay, waxaa rabaa dhammaan dhinacyada oo dhan in aan iraahdo in laga fogaado wax walba oo heshiiska ama doorashada caqabad ku keeni kara in doorashadan taaba gelinteeda habsami u socodkeeda iyo hufnaanteeda aan ka wada shaqeyno tabashooyinka jira heshiiska gudihiisa la isku qanciyo, la iskuna qaato lana isku tanaasulo si arrimaha doorashooyinka guul ku dhamaadaan”

Khudbada Madaxweynaha Galmudug ka jeediyay shirka Somalia Partnership Forum ayaa u muuqatay mid deganaan ah oo dhinacyada ku muransan doorashada uu dhex dhexaadnimo ugu muujinayay, wixii tabasha ee jirana xal laga gaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More