Yamamoto oo si kulul ula hadlayay dowladda Federaalka iyo Mucaaradka

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamomoto ayaa ka sheegay shirka SPF ee maanta in doorashada lagu qabto waqtigeeda, qofna aan laga ogolaan doonin in siduu rabo u qabsado doorashada.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii Muqdisho sida loogu heshiiyay loo fulinayo,

Amb. Yamamoto ayaa tilmaamay in qofkii ay ku caddaato inuu wax ku dheelayo ay Mareykanku la xisaabtamayaan.

Sidoo kalena waxaa uu ka digay in aan la abuurin doorashooyin is garab socda, taasoo u muuqatay farriin ku socotay Musharaxiinta Mucaaradka ee ku shirsan Hotel Jazeera.

Yamamoto ayaa sheegay Mareykanka uu ku bixiyay dadaal iyo qarash badan Soomaaliya, isla doorasho xummaatayna ay halis ku tahay in wixii horumar ah ee la gaaray ay daaqadda ka baxaan, Shabaabna ay xoogaystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More