Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo soo saartay awaamiir ku socota Muwaadiniinta Kenya

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay muwaadiniinta Kenyanka ah ee u soo safraya Soomaaliya in looga baahan yahay Dal-kugal, isla markaana ka soo qaataan Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay muwaadiniinta Kenyanka ee ku safraya Baasaboorka Diblomaasiga iyagana looga baahan yahay inay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dhowaan dowladda Soomaaliya ay hoos u dhigtay xiriirkii Kenya, kaddib markii ay u yeertay Safiirkii Soomaaliya ee joogay Nairobi, halka Safiirkii Kenya ee Muqdisho joogay lagu amray inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Halkan hoose ka akhriso warqada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More