Milkiilaha Astaan Cable TV Cabdimanaan Yuusuf oo xabsiga laga sii daayay

Milkiilaha Astaan Cable Tv Cabdimanaan Yuusuf ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii uu bilihii la soo dhaafay ku xirnaa xabsi ku yaal magaalada Hargeysa.

Cabdimanaan milkiilaha Astaan Cable TV ayaa maxkamad ku taal magaalada Hargeysa waxa ay bishii la soo dhaafay ku xukuntay shan sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Illaa hadda lama shaacin sida ay ku timid sii deynta Cabdimanaan Yuusuf, hase yeeshee waxaa wararka qaar ay sheegayaan in cafis madaxweyne lagu sii daayay Cabdimanaan Yuusuf.

Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa hore sidan oo kale xabsiyo ugu xukumay saxafiyiin iyo dadka dhaliila iyadoo markii dambana la sii daayo dadkaas marka ay muddo ku jiraan xabsiyada Somaliland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More