Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka digey soo gelinta Maandooriyaha gudaha dalka Soomaaliya

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr-Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa digniin culus ka soo saaray ka ganacsada iyo keenista maandooriyaha.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Ganacsato si dhuumaaleysi ah dalka kusoo geliya waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo ka raadinaya inay fa’iidooyin dhaqaale oo farabadan ka helaan.

Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr-Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa uga digay dadka dalka keena waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena uu sheegay in doomaha iyo qalabka lagu keeno lagala wareegi doono.

Hase yeeshee xeer ilaaliyaha ayaan carrabka ku dhufan noocyada maandooriyaasha ee uu digniinta ka soo saaray.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay hore u mamnuucday qaadka laga keeno dalka Kenya halka ay ka fasaxda qaadka laga soo dhoofiyo dalka Ethiopia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More