Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibbada Ruushka Sergey Lavrov

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dowlada Ruushka Sergey Lavrov magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka.

Kulankan oo aan hore loo shaacin ayaa sida lagu daabacay barta Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka, ayaa wasiirka arrimaha dibbada Ruushka Sergey Lavrov iyo musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre waxa ay uga wadahadleen xoojinta iskaashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.” ayuu ku soo daabacay bartiisa facebook Musharax Kheyre.

Kulankan ayaa maanta ka dhacay magaalada Moscow ee dalka Ruushka oo uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa la rumeysan yahay in Musharax Kheyre uu doonayo in uu taageero u helo ololaha doorashada Madaxweynanimadiisa.

Dowlada Ruushka ayaa hore waxa ay taageere siin jirtey dowlada Soomaaliya hase yeeshee sanadihii la soo dhaafay ayaa saameynta xukuumada Ruushka ee dalka Soomaaliya uu ahaa mid aad u hooseeyay.

Ololaha Doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan maraysaa meel xasaasi ah iyadoo musharaxiinta ay yihiin kuwo garab u raadsanaya dalalka caalamka,balse waxaa hore musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay taageere ka raadsan jireen wadamada carabta.

Lama oga saameynta ay dowlada Ruushka ku yeelan doonto ololaha doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyadoo haatan weli uu khilaaf ka taagan yahay guddiga doorashada ee ay dowlada federalka magacawday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More