Ciidamada dowladda oo hareereeyay xaafado ay degan yihiin Musharaxiinta

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo gaadiid dagaal ayaa lagu arkay xaafado ka tirsan Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, halkaasoo ay degan yihiin inta badan Musharaxiinta Madaxweynaha.

Goobaha Ciidamada ku sugan yihiin ayaa waxaa ka mid ah Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, jidcade walba ee ka soo bilowda oo dhaca dhanka Air Porka ayay ciidamada taagan yihiin dadka iyo gaadiidka ayaa loo diiday inay galaan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa goordhow shaaciyay in sanadkii labaad ay dowladdu waddooyinka ka xireyso, si looga hortago xuska 17 december oo ku beegan xilligii la weeraray hoyga uu degan yahay, waxaa uu xusay in ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in lagu qabanayo xuska.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa goordhow shaaciyay in Ciidamada dowladda ay hareereeyeen guryaha ay degan yihiin qaar ka mid ah Musharaxiinta.

“Ciidamada Farmaajo saakay u diray guryaha musharaxiinta cawaaqib xumada ka dhalata mas’uuliyadeeda isaga ayaa qaadi doona”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xaafadaha Buulo Xuubey ee ay saaka Ciidamadu hareereeyeen ayaa waxaa degan qaar ka mid ah Musharaxiinta ugu tunka weyn sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/shakuur iyo qaar kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More