Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in qarax goor dhow ka dhacay magaalada uu ku dhaawacmay mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay guriga uu xildhibaan Muxumad Colaad ka degenaa magaalada Jowhar waxana la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray isagoo la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa hore labo xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka lagu diley sanadkan sii dhamaanaya ee 2020ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More