Duqa Muqdisho oo xarriga ka jaray dayactir lagu sameeyay waddo muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Wadada Jeneraal Daa’uud ee xiriirsa Isgoyska siinaay iyo Boondhere kalana barta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wadadaan oo inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaay ilaa iyo Boondheere ee aheyd mid aad u bur-bursaned muddo sanado ah ayaa waxa uu Guddoomiye Cumar Filish horey u balan qaaday in la dhisi doonno iyadoona ugu danbeyn Maanta uu xariga ka jaray, Waxa uuna shacabka labada Degmo kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan bilicda wadada.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere oo munaasabada xarig jarka ka hadlay ayaa ugu Mahadceliyay Duqa Muqdisho ka dhabeynta balanqaadkiisa ahaa dhismaha wadadaan, iyagoona dhankooda balan-qaaday in ay ka shaqeyn doonaan Bilicda wadada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa inta uu Xafiiska joogo waxa uu dhisay wadooyin dhowr ah oo muhiim u ah shacabka Gobolka Banaadir kuwaasi oo qeyb ka ah Qorshaha Horumarinta Caasimada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More