Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo door dhex dhexaadin ka qaatay khilaafka doorashada (War murtiyeed)

Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa war murtiyeed ka soo saaray wada hadalo ku dhex maray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo doorashooyinka.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Puntland iyo Galmudug ay iska kaashan doonaan  xoojinta amniga gudaha labada maamul iyo la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, sida lagu sheegay war murtiyeedka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragti duwan hannaanka qabsoomida doorashada.

Sidoo kale labada maamul ayaa sheegay inay mar walba diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay ee lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/21, iyadoo la dhowrayo heshiiskii lagu gaaray Muqdisho 17 September 2020.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More