Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan, Musharax Madaxweyne C/naasir Cabdulle iyo Xildhibaano.

Wafuudan ayaa ka qeyb galaya shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee sanadlaha oo ay Machadka Heritage ku qabaneyso magaalada Garowe.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, Guddoonka Labada Aqal iyo Mas’uuliyiin ka socota Xukuumadda.

Shirkan ayaa furmi doona maalinta Talaadada oo ku began 29 December, waxaana uu socon doonaa saddex maalmood.

Ajandaha Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka, sida Soomaaliya uga gudbi karto sanadka 2025 Kumeel gaarnimada daba dheeraatay, Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod, nidaam Federaal oo shaqeynaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More