Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ansixiyay Miisaaniyada 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo lagu qabtay magaalada jowhar.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Waasarada Kaluumeysiga, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaarada Badroolka, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Wasaarada Dastuurka.

Golaha Xukuumada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2021 ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Todobaadkii hore Golaha ay usoo gudbisay Wasaarada Maaliyada Maamulkaas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More