Kulan looga hadlayay sidii uu u shaqeyn lahaa habeenkii Air Por-ka Aaden Cadde oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

by A M | Wednesday, Sep 3, 2014 | 6385 views

Kulan loogaga hadlayay sidii dayactir loogu sameyn lahaa garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho isla markaan xilliyada habeenkii dayuuraduhu ugu duuli lahaayeen una soo degi lahaayeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa mas’uuliyiintii ka soo qeybgalayn waxaa ka mid ahaa Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Federalka Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel, maamulka garoonka diyaaradaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay  uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, gaar ahaan in nalal lagu xiro halka ay soo cago dhigtaan diyaaradaha si ay ugu fududaato in diyaaaradaha garoonka Aadan Cadde ay xilliyada habeenkii ah ka howlgalaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Jaamac Cali Qoorsheel oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka uu ku soo idlaaday guul, isla markaana ay isla afgarteen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha ka jirta garoonka, gaar ahaan in xilliyada habeenkii ah uu shaqeeyo, maadaama isbadal amni uu ka jiro caasimadda ayna keentay baahi ah in duulimaadyo caalami ah la helo.

Tan iyo markii ay burburtay dowladii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa joogsaday isticmaalka garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana xilliyadii dowladi hore ka talinaysay dalka uu garoonku ahaa mid ay isku mid yihiin habeenkii iyo maalintii.

DSC00876 DSC00882 DSC00925 DSC008631

Like it? Share it!