Gudoomiyaha Baarlamaanka oo beeniyay hadal si qaldan looga been abuuray

by A M | Monday, Sep 15, 2014 | 3715 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa been abuur ku tilmaamay hadal si qaldan looga been abuuray, kaasoo baraha Internet-ka lagu baahiyay.

Jawaari oo ka hadlayay shirkii dib u heshiisiinta ee ka furmay Baydhabo ayaa sheegay in hadalka la soo geliyay baraha Internet-ka uu haa mid uu sanadkii hore jeediyay, balse haatan la soo cusbooneysiiyay oo si qaldan loo kala jaray warka

“Waxaa website-yda la soo geliyay in ninkii odayga ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waa taraaraxay oo Puntland ayuu weeraray, bal amarka Ilaaheey fiiri dulumka iyo daalimiinta waxa ay sameynayaan, 2013 inta anigoo jooga Odayaasha halkan anigoo kula shiraya anigoo idiin qudbeynaya oo hadlaya waatii telefoon la iisoo diray 11-kii September 2013 howlgallo laga sameeyey xiligaas Puntland oo la igu yiri hada waxa socota ganacsato la xir xiray”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari

Gudoomiye Jawaari oo sii hadlayay ayaa yiri “taasi waxaan tusaale ugu soo qaatay in idinka nabadii meeshaan laga doonaayey aad hanti weyseen oo aad xasilin weyseen,dadkii idiinka tagayna meel kale ay joogaan , waa la gooyey hadalkeeyga oo dhan Jawaari waxaa la yiri Puntland dadbeey xer xertaa baraha internetka ayaa lasoo geliyey, saakay oo dhan Xildhibaanno ayaa telefoonno iga soo wacayey oo I dhahay Oday waa sidee? Hada inaan dhahay ayaa laga dhigay waana hal sano ka hor mar howlgallo ay socdeen oo aan idinka tusaale ahaan idiin kugu soo qaatay, bal amarka ilaaheey intaas ayaa lasoo geliyey dadkii oo dhan waxey leeyihiin Oday sidaan laguuguma ogaan jirinee” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hadalkan jawaabta ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Jawaari ayaa ka dambeeyay markii qaar ka mid ah baraha Internet-ka la soo geliyay, hadal uu jeediyay sanad ka hor, kaasoo uu uga hadlayay howl gallo Puntland ay ku qab qabatay dhalinyaro ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.

Like it? Share it!