Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ka dooday xil ka qaadista Trump

Aqalka Wakiilada Mareukanka ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inay ka doodaan xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump.

Donald Trump ayaa loo heystaa inuu soo abaabulay rabshadihii arbacadii la soo dhaafay dhacay, kaddib markii taageerayaashiisa ay xoog ku galeen Xarunta Koongareeska.

Trump ayaa loo adeegsan doonaa qodobka Hurin Rabshado, waxaana rabshadihii Arbacadii ku dhintay illaa shan qof uu ku jiro askari ka tirsanaa ciidanka Ilaalada xarunta Koongareeska Capitol Hill.

Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada ayaa aqlabiyada ugu xooggan ku leeyihiin aqalka

Trump ayaa haddii xilka laga qaado uu noqon doonaa, madaxweynihi ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo laba jeer xil-ka-xayuubin lagu sameeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More