Iska hor imaad Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaan ka tirsan Lamu

by A M | Wednesday, Jan 14, 2015 | 4459 views

Iska hor imaad ayaa ciidamo ka tirsan Kenya iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Basuba oo ka tirsan Lamu, iyadoo war ka soo baxay dowladda Kenya ay ku sheegtay inay ku dishay weerarkaas todobo ka tirsan Al-Shabaab.

Wasaaradda Difaaca ee Kenya ayaa sheegtay in iska hor imaadka uu dhex maray Ciidamada kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab, waxaana uu dhacay dagaalkan xilli ay ciidamada ku sii jeedaan deegaanka Kaambooni ee Gobolka Jubada Hoose.

Sidoo kale war saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay mid ka mid ah Ciidamada Kenya uu ku dhintay iska hor imaadka, halka saddex kalena dhaawacyo fudud ay soo gaareen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in tiro ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo dhaawacyo soo gaaray ay u baxsadeen dhinaca Keymaha, waxaana lagu wargeliyay dadka deegaanka inay soo sheegaan hadii ay arkaan dad dhaawacyo qaba.

Waxaa kaloo wasaarada Difaaca Kenya ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen hub isugu jira qoryaha daran dooriga u dhaca, bambooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha baasuukayaasha.

Dhinaca kale bogaha Internet-ka ee afka Al-Shabaab ku hadla ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamada Kenya oo kolonyo ahaa, ayna dileen labaatan askari, halka saddex baabuurna laga gubay.

Sidoo kale bogaha Internet ee taageera Al-Shabaab oo iyana soo xiganayay saraakiil ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa mid gaadmo oo ka dhacay Gobolka Lamu,waxaana ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen saanado milateri.

Ilaa iyo hada wali wax war oo rasmi ah kama soo bixin Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Xeebta ee Kenya, halkaasoo horay Al-Shabaab uga geystaan weeraro dad badan ay ku dhinteen oo sanadkii hore dhacay.

Like it? Share it!