Itoobiya oo Ciidamo fara badan geysay xuduuda Suudaan iyo xiisad ka taagan

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo fara badan geysa xuduuda ay la wadaagto dalka Suudaan, halkaasoo xiisad dagaal ay ka taagneyd labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan tallaabooyin ay qaadi doonaan, haddii dowladda Suudaan ay sii wado Ciidamada ay ku soo kordhineyso dhulka beeraha fagasha.

Maleeshiyada Itoobiyaan ah oo muddo labaatan sano heystay dhul beereedka fagasha ayaa laga saaray.

Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Suudaan ayaa qarka u saaran dagaal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy uu sheegay inay doonayaan wax walba oo lagu dhameeyo wada hadal diblomaasiyadeed, balse haddii ay sii socdaan tallaabooyinka uu ka dhammaan doono dulqaadka.

Dowladda Suudaan ayaa ugu baaqday Itoobiya inay ciidankeeda kala laabato dhulka xuduuda, taasoo ay ku tilmaamtay daan-daansi dagaal.

Wasiirka Difaaca Suudaan ayaa sheegay in dalkiisa aanu diyaar u aheyd dagaal ay la galaan dowladda deriska la ah, balse Ciidamadeeda ay dib ula laaban doonto, marka la xaqiijiyo ammaanka beerihii 20-ka sano ka maqnaa Suudaan.

Muran ayaa labada dal muddo u dhaxeeyay oo ahaa dhul beereed ku yaalla xuduuda oo ay heysteen maleeshiyo Itoobiyaan ah, waxaana dhulkaas lahaa Suudaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More