Duqeyn lagu burburiyay xaruntii Idaacada Andalus ee Al-Shabaab

Wararka laga helayo degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in xalay duqeyn ka dhacday degmadaas, kaasoo ay geysteen diyaaradaha ay duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday xarun la sheegay in Al-Shabaab ku lahaayeen degmadaas, waxaana xaruntaas aheyd Idaacada Al-Shabaab afkooda ku hadasha ee loo yaqaano Andalus.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntaas ku burburiyeen xarun Al-Shabaab leeyihiin, inkastoo aanay faah faahin xaruntaas waxay aheyd.

Hase ahaatee waxaa bartilmaameedka duqeynta ayaa ahaa xarunta idaacada Andalus faraceeda Tiyeeglow.

Mareykanka ayaa sanadkan cusub 2021 ka fuliyay Soomaaliya illaa afar duqeyn, horaantii sanadkan la duqeeyay xarun idaacad taageerta Al-Shabaab ee Alfurqaan ku laheyd.

Sidoo kale duqeyntii 13-kii bishan ka dhacday deegaanka Buula Falaay ayaa lagu beegsaday xarun Idaacada Andalus ku laheyd deegaankaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More