Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray London (Sawirro)

by A M | Tuesday, Sep 16, 2014 | 5738 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir looga hadlayo ammaanka.

Shirka uu ka qeyb galayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa diirada lagu saari ammaanka iyo xoojinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana uu la kulmi qaar ka mid ah madaxda dalka Britain.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Taliyaha ciidanka xooga dalka iyo xubno kale.

Shirkan looga hadlayo arrimaha amniga iyo xoojinta ciidamada Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada London ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dalka ay ka socdaan howl galo ka dhanka ah Al-Shabaab.

Britain ayaa waxaa uu horay u marti geliyay shirar looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo taageerida dowladda Federaalka, iyadoo shirarkaas dhaqaale loogu yaboohay dowladda Soomaaliya.

DSC_9129 DSC_9122 DSC_9121 DSC_9117 DSC_9116

Like it? Share it!