Joe Biden oo loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Maraykanka (Sawiro)

Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, kaddib markii daqiiqado ka hor loo dhaariyay xilka.

Xaflad ay dad yar ka qeyb galeen oo ka dhacday xarunta Capitol ayaa Mr Biden xilka loogu wareejiyay.

Waxaa sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka loo dhaariyay Kamala Harris oo ah haweeneydii ugu horreysay ee abid jagadaas loo dhiibo, sidoo kalena ah madow.

Biden waa ninka tartanka adag la galay Donald Trump, wuxuu ahaan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowladdii Obama, siddeedii sano ee hoggaanka Mareykanka uu hayay.
Waa siyaasi ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka, kaas oo Donald Trump uga guuleystay doorashada, wuxuuna noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Sida ay sheegayaan taageerayaashiisa, wuxuu muddo tobonaan sano ah ka soo shaqeeyay siyaasadaha arrimaha dibadda, waana nin aftahan oo soo jiidan kara dadka caadiga ah. Waxaa lagu tilmaamay nin geesi ah oo u adkeystay dhibaatooyin soo maray noloshiisa, wuxuuna muddo 50 sano ku dhow u ordayay siduu madaxweyne uga noqon lahaa Mareykanka.

Halka dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa ay ku sheegaan in uu yahay nin u nugul jeedinta hadallada khaladaadka badan uu ka muuqdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More