Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee jaamacadda SIMAD, taas oo ay kasoo qeyb galeen, arday, macalimiin, madaxda sare ee jamacadda iyo marti sharaf kale, ujeedka xaflada ayaa ahaa in loo dabaal dego sanad guurada 18aad oo kubeengan maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da nofeembar 2017.

Jaamacadda SIMAD, ayaa la aas’aasay 6-Nov-1999, intii ay xafladu socatay ayaa waxaa munaasabada kahadlay Sheikh Hassan Ahmed Badawi oo ah agaasimaha hey’ada kaalmada tooska ah qeybteeda Somalia, taas oo caawisa jaamacadda, waxa uuna kudheeraaday sidii ay kutimid aas’aasitaanka jaamacadda simad, waxa uu sheegay in SIMAD laga aas’aasay wadanka waqti ay adkeyd in waxbarasho lasoo hadal qaado.

Intii ay socatay munsaabadda ayaa waxaa la abaal mariyay shaqaalihi ugu fiicnaa sanadkan sii dhamaanaya ee 2017, abaal marinada labixiyay ayaa waxaa kamid ahaa, macalinkii ugu fiicnaa, agaasimihii ugu fiicnaa, darawalkii ugu fiicnaa, waardiyihii ugu fiincaa iyo kuwa kale,

Sidoo kale Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD, Ustaad Dahir Hassan Abdi Arab, ayaa kahadlay munaasabadda asagoona u hambalyeeyay shaqaalaha la abaal mariyay kuna dheeraaday sababaha ay ku mudeysteen abaalmarinadaas, waxa uu sido kale u mahadceliyay dhamaan ardayda, maamulka, waalidiinta iyo macalimiinta SIMAD, waxaa uu ammaan ujeediyay hey’adda kaalmada tooska ah ugana mahadceliyay sida ay had iyo jeer u garab taaganyihin jaamacadda SIMAD.

Jaamacadda SIMAD ayaa hada kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan Somalia waxa ayna bixisaa waxbarashada heerka koobaad iyo heerka labaad ayadoona Mogadishu kuleh afar xarumood, sidoo kalena xarun kuleh gobalada qaar ee dalka.

Jaamacadda ayad sanad kasta udabaal degta sanad guurada jaamcadda.