Magaalada Jowhar oo ah magaalo Madaxda gobolka Shabeelaha Dhexe isla markaana iminka ah caasimada maamul goboleedka curdan ah ee HIRSHABELLE ayaa ah magaalo soo martay marxalado badan waana magaalo leh dhul beereed baaxad weyn sidoo kale ayay ka mid tahay magaalooyinka dalka ee ka hana qaadeen kacaanka waxbarasho magaalada ayaa leh 8 Dugsi oo isugu Jira kuwa sare iyo dhexe sidoo kale ayay leedahay labo Jaamacood oo sanadkaan dufcadii ugu horeysay ay ka qalin jebiyeen.

 

Tan iyo burburkii uu dalka galay ayay magaaladu kala mid aheyd magaalooyinka dalka burburkii kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo gebi ahaan ay meesha ka baxday warshadii Sokorta ee SNAI iyo tii SNAI BIASA ee Barafunka oo tiro badan dadka magaalada ay u shaqo tagi jireen isla markaana qoysas badan ay ku xerneyd qutul daruurigooda hadana markii ay meesha ka baxday dadka deegaan ma noqon kuwa is dhiibay cid kasta meesha uu Alle irsaaqada ugu daray ayay u xamaali tagtay iyadoo inta badan dadka magaalada ay ku tiirsan yihiin  tacabka beeraha qaarna ay yihiin kuwa loo shaqeeyo qaarna ka shaqeystayaal xilliga tacabka uu jiro sidoo kale ayaa jirta qaar dadka ka mid ah oo noloshooda ay ku tiirsan ganacsiga noocyadiisa kala duwan.

 

Nolosha oo ah mid galangal badan u baahan ayay hadana meesha ka bixin in reeraha ay xooga saaraan in ay caruurtooda geeyaan goobaha waxbarashada oo markaan ka badalan kana adag sidii hore iyada oo waxbarashada ay noqotay kuwa gaar loo leeyahay oo lacag adag lagu dhigto ayna adag tahay in aad hesho wabarasho lacag la’aan ah waxayna aheyd mid lagu amaano qoysaska qaar oo fursad siiyey caruurtooda isla markaana waxbarasho ka bixnaayey.

 

WAXAY SEBI ILMAHA HOOYADU GOOSHA UGU SIDAA SEDKA LOOGU KORIYAA ABAAL LAGA SUGAAYEE  wax kale uma soo qaadaan heestaan waa sababta waalidka uu ugu dhabar adeegayo korinta iyo waxbarida owlaadooda ayaa ah abaal beri laga filaayo ileyn geedkaan beerataba mirahiisaaad sugtaa waxaase manta ayaandaro ah in caruurtii loo dhabar adeegay ee xaalkii adkaa wax ku soo bartay ay noqdeen kuwa aan u sineyn hanaanka shaqo helida ileyn  dheri kasta oo karsamaayo ayay noqotay in midka u dhow uu lafaha kala baxo.

 

In shacabka lagu ilaaliyo xaqooda ayaa ummadi ama deegaan ka yeeli karta mid bulaasha qeyrkeedna la baratanta balse CIR ONKADAYBA HILAACII MAR BAA LAGA CABEYNIN

 

Degmadaan Jowhar waxaa nasiibka ku simay in ay soo dhaweyso  oo ay noqoto xaruntii Hey’adda UNICEF ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya hadana ma noqon mid shacabkeeda ay ka soo muuqdaan shaqaalaha tirade badan ee ka shaqeeyaan xaruuntaas baaxada leh hadana ma jirin cod dheer oo xaqooda u soo celiya waxayna shaqaalaha ahaayeen kuwa ka yimaada gobolada ka fog fog degmada maamulkii xilligaas magalada ka jiray waxaad moodeysay inuu xooga uun u saaray in magaalada iyo degaanada hoos yimaado ay amaan noqoto si ay u ahaato meel ay ku shaqeyn karaan hey’adaha caalamka oo iyaga lagu amaano.

 

Degmada Jowhar ayaa xilligaan taariikhda ay dib u xusi doontaa marka laga fiiriyo kacaanka waxbarasho ee ka hana qaaday iyada oo ugu yaraan qoysaska qaar mid ka mid ubadkooda uu ka qalin jebiyey heerka koowaad ee jaamacada ama uu iminka ku guda jiro iyada oo dhici karta in qoysaska qaarkood xagga dhaqaalaha ka buuran in hal ubad iyo ka badan ay jaamacadaaha u dhigtaan ma is weydiisay aqriste marka dhalinyaro heerkooda waxbarasho soo dhameystay oo 16 sanno qalinka siday marka uu ka niyadjabo inuu deegaankii uu u dhashay oo uu shaqo ka waayo isaga oo aan jirin aqoondaro lagu gooni yeelayo waxa ka imaan karo tahriibtii hore u jirtay wax ay aheyd mid aan jawaab loo heli Karin balse waxaa imaan karta mid taa ka baaxad weyn oo aad ku weyso wiilal iyo gabdho hal door ah wax badanna kugu soo kordhin lahaa sidaa dardeed ayaan oran lahaa cadaalada ayaa dadka deeqda dhalinta ha loo cadaalad falo.

 

Manta magaalada Jowhar waxaa ka howgala ilaa labo hey’adood oo caalami ah isla markaana arrimaha caafimaadka ka shaqeeya kuwaa oo kala ah IMC oo laga leeyahay Dalka Mareykanka iyo INTERSOS oo ah hey’ad Talyaani waxayna maamulaan labo cisbitaal ee magaalada ka shaqeeya  iyadoo manta deegaanka laga heli karo dhalinyaro badan oo culuunta caafimaad noocyadiisa kala duwan darajooyin kala duwan ku soo diyaariyey waxaana ayaandaro ah in aan fursad loo siin in ay kaalimaahaas buuxiyaan iyadoo qaar isbitlaada ka mid ah ay shaqaalo cusub qaada mar kasta hadana ma dhacdo in shaqadaas ay noqoto mid aqoonta lagu xulo ma noqoto mid si waadax loogu tartamo waxa uu xaalka ku dhamaadaa daaha gadaashiis.

 

Sidoo kale waxaa ka howlgala NGO maxali oo reero gaar ah ku asteysan kuwaa ayaa laf ahaantooda aan marnaba ku xulan shaqaalahaooda heerarka waxbarasho ay shaahoodooyinka ay wadaan dhalinta u soo shaqo doonato waana mida aan manta u gareystay in aan cod dheer aan ku hadlo kadib markii ay baahday nin jecleysiga oo keeni karta mid meel xun aqoonta u hagto kana yeesho in laga niyadjabo.

 

Dhalintii aan la sheekeytay ee shaqo la’aanta heyso ayaa ii sheegay in ay dhacdo in mararka qaar in usha kor loo tuuro hadana uu xaalka ku dhamaado  cidii la rabay inay soo baxdo.

 

Waa tii wiilkii walaashii ka dacwooday in aan cuntada loogu darin maalintii dambe markii la kala saaray ayaa uu arkay iyada oo sidii waalida ahaa u cuneyso markaas ayaa uu yiri WAXAY ANIGA IGU HEYSAY AYAY MAANTA IYADA ISKU HEYSAA,  Shalay hadaan godobteena ay aheyd dad yimid ayaa heyadaha wada maamula mana xusaan dadka deegaanka waxaa jirta in manta hey’adaha ay maamulaan dhalin degaanka ah oo aan marnaba damiirkooda wanaagsaneyn sida ay shaqada ugu hormarinaayaan reerahooda iyo xigaalkooda waana rajo xumada aan qabo markaan arko dhalin wax baratay oo derbiyada fadhiya halka kuwa aan aqoonta u ehel u aheyn ay kursiyada ku fadhiyaan.

 

Marka misaajidkii loo carari lahaa ay qeylo ka yeerto halkee loo ciirsi tagaa ayuu xaalka joogaa waxaa ayaandaro ah in maamulka heer gobol iyo Degmo ay ka qeyb yihiin nidaamka nin jecleysiga iyo eexda iyadoo ay dhacda in mararka qaar shaqooyinka cusub ay ku soo baxaan dhalinyaro xagooda ka timaada waana mida dhiiragelisay in madaxda Hey’adaha ay u bareeraan musuqa.

 

Ugu dambeyn ayaan maqaalkayga manta aan ku soo gunaanadayaa in habka shaqo siinta dhalinta waxbaratay oo la wanaajiya ay horseed u noqon karta umad xag kasta ka caafimaad qabta sidoo kalena ayay keeni kartaa horumar muuqda aqoonta ay ahaan doontaa mid lagu baratamo.

 

UMMAD WAX BARATAY AYAA HIIGSI LEH
Xaali Xassan Xaalkoos
Xaalkoos@hotmail.com
19th December 2017