Illaahay baa mahad dhamaanteed iska leh, naxariis iyo nabadgelyana ha ahaato Nebigeena dushiisa.
Beryahan danbe waxa si wayn u shaac baxay erayga “TAHRIIB” oo ka tarjumaya hayaanka is miidaaminta ku dhisan ee kalahaad, boqool, caraabe, guurayn iyo guulidba loogu jiro sidii loo beegsan lahaa in rarka lagu furo deegaanada barwaaqada ah (waa sida ay socotadaasi aaminsanyihiine) ee dalalka hore u marey ee Galbeedka.
Hadaba waa maxay tahriibku amaba tahriibintu:
Tahriibintu: waa in alaab la qarinayo lagu geliyo meel aan si sharci ah loo gelin Karin, sida tahriibinta/kootaraabaaninta maandooriyayaasha, hubka iwm.
Sidoo kale waxa uu noqon karaa mid lagu kootarabaaninayo dad la doonayo in sida alaabta loo geliyo meel aanay si sharci ah ku geli Karin.
Taas waxa la mid ah Tahriibka oo ah hayaan ama socdaal aan sharci ahayn oo si miidaamo ah la doonayo in lagu gaadho meel gaadhisteeda la filayo in uu qofku ka heli karo baahidiisa noocay doonto ha ahaatee.
Tahriibku waa dhibaato soo jireen ah oo heerar kala duwan soo marey, qaabab kala duwanna lahaan jirey.
Tahriibka dadku ama tahriibintoodu wax uu ka mid yahay falal denbiyeedyada qawaaniinta caalamku la dagaalanto lana mid ah falal denbiyeedyada tahriibinta maandooriyaasha iyo hubka Sababaha keena:
Sababaha ugu badan ee tahriibka keenaa waa dhaqaale iyo nolol raadin, waxa ku soo xiga kuwa dhinaca nabadgelyada iyo amniga la xidhiidha, waxa kale oo dhici karta in loo tahriibo caafimaad raadin, cilmi raadin amaba in la soo guto waajib diini ah iwm.
Tahriibka da’yarta Soomaaliyeed inkastoo mushiladda tahriibku ay tahay dhibaato soo jireen ah, si wayna u soo shaac-baxday bilowgii sideetanaadkii qarnigii hore, oo taliskii hantiwadaaga ahaa uu culays dhinaca xorriyadda ah oo balaadhan saarey guud ahaan bulshada somaliyeed gaar ahaan, degaanka Somaliland oo ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqii SNM ee ay ku doonayeen inay xukunka kaga tuuraan xukuumadii keligeed taliska ahayd ee uu hormoodka ka ahaa G. Maxamed siyaad Bare, hadana waxa ay sanadahan danbe gaadhey heer halis ah oo ay aqoonyahankii iyo da’yartii ubaxa dalka ahayd si wadar ah uga baxayaan dalka.
Inta badan waxa la arki jirey in hadba meesha ay colaad cusubi ka aloosantahay ay dadka ka hayaamayaa ugu battaan tahriibayaasha, hase yeeshee waxa muuqata wakhtigan in tahriibkii muuqaal kale yeeshay oo maanta Somaliland oo ka mid ah deegaanada ugu nabdoon geeska Africa ay da’yarteedu yihiin kuwa ugu badan ee tahriibaya, taasi waxa keenaysaa inaynu is waydiino: maxaa sabab u ah tahriibkan?.
Jawaabta su’aashan waa laga yaabo in lagu kala duwanaado, hase yeeshee inta ugu muhiimsan ee aan is leeyahay dadka intiisa badani way isla fahmi karaan ayaan si guud u tilmaamayaa.
Sababaha tarhiibka dhalinyarada Somaliland
1) Shaqo la’aan: sideed iyo tobankii sanno ee u danbeeyey Somaliland waxa ay ahayd goob xasiloon oo nabad gelyo ahaan degan, xaaladeeda nololeedna ma xumeyn, sidoo kale waxa jiray heerka waxbarashada kala duwan oo xawli ku socday inkastoo tayada waxbarasho aad loo tuhunsanyahay, arintan waxa ka dhalatey in ay soo qalin jebiyaan oo suuqa soo galaan kumanaan dhalinyaro ah oo dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka ka soo baxay, kuwaaasoo suuqa kala kulma shaqo la’aan, ku abuurta rajo xumo iyo niyad jab hor leh, iyagoo weliba isu arka inay yihiin dad waxbartay oo ay qasab tahay inay helaan shaqo ay daalkii iyo juhdigii wabarashada kaga nastaan, dhidid koodiina midhihiisa goostaan.
2) Dhaqaale korodhsi : waxa laga yaabaa in la arko, qoysas dhaqaale ahaan fiican, dhibaato kale oo muuqataana aanay haysan, hadana ubadkoodii u diraya yurub iyagoo jid dheer oo dhib badan u badheedhaya kuna bixinaya kumanaan doolar. Tahriibka noocan ahi maaha mid baahi dhaqaale keentay ee waa mid ku salaysan ka kordhi iyo arimo kale oo la mid ah.
3) Magac Raadin : waxa iyana dhici karta in loo tahriibo in laga helo magac iyo maamuus, waayo bulshadu waxa ay tixgelin dheeraad ah siisaa qof kasta oo ka soo laabta ama ku nool wadamada reer galbeedka, iyadoon qofnimadiisa iyo dadnimadiisa midna fiiro gaar ah siinin.
4) Sharci Raadin: dadka qaarkooda waxa ay u tahriibaan inay wadama galbeedka passport ka qaataan, waxa qiima dhac wayni ku yimi shakhsiyadda qofka soomaaliga ah ee sita baasboorka dalkiisa, kaasoo aanay u suurogal ahayn inuu meelo badan oo aduunka ah ku booqdo. Arintani waxa ay caqabad ku tahay ganacsigii, waxbarashadii, caafimaadkii iyo wax kasta oo u baahan in socdaal iyo safar debedeed loo galo, sidaa awgeed ayey dadka in badan oo ka mid ahi ku andacoodaan inay u baahan yihiin sharci ay ku socsocdaan, ka dibna dariiqaa halista ah u maraan.
5) Caafimaad Raadin: waxa iyana dhacda in qof la tahriibiyo amaba uu tahriibo si uu awood ugu yeesho inuu helo daryeel caafimaad oo tayo leh.
6) Midaynta ehelladda: waxa tahriibka sabab u noqon kara dad ehel ah oo is raadsanaya sida wiil doonaya inuu waalidkii oo yurub uga horeeya u tago amaba lamaane is raadsanaya waxa lagu magacaabo (family union).
Sababahaasi waa arimaha ugu waaweyn ee keena tahriibka, waxa jiri kara oo iyana la tilmaamaa in ay sababaha ka mid tahay da’yarta oo aan helin doorkii ay siyaasada dalka ku lahaayeen, isku dayasho iyo duufsi aan ujeedo lahayn iwm.