Axmed Daaci “Weerar gardaro ah ayaa la igu soo qaaday, xabada ayaa igu socota waana is difaacoynaa”

by A M | Friday, Aug 15, 2014 | 6814 views

Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday gurigiisa, isagoo ku eedeeyay in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dowladda ay soo weerareen.

“Xabad ayaa igu socota weerar dulmi ah ayaa ciidamada dowladda igu soo qaadeen, waana iska caabiyay, AMISOM ayay hadana soo wateen”ayuu yiri Axmed Daaci oo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Garsoorka Faarax C/qaadir inay ka dambeeyaan weerarkan.

Axmed Daaci ayaa sheegay inuu is difaacayo, isla markaana uu ku dhimanayo dagaalka, maadaama gurigiisa la soo weeraray, isagoo xusay in dagaalka oo bilowday saqdii dhexe ee xalay uu ilaa iyo hada socdo sida uu yiri.

“Weerar gardaro waaye oo umada lagu dhibaateynayo, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo xildhibaanada la weerarayaa, waana mid maalmahan dhan jirtay, aniga gurigeyga isku difaacayaa waana ku dhimanayaa”ayuu yiri Axmed Daaci.

Dhinaca kale Xildhibaan Cumar Filish ayaa sheegay in weerar qaawan lagu soo qaaday hoygiisa, isagoo sheegay in ilaaladiisa ay is difaacayaan, inkastoo aanu tafaasiil dheeraad ah uu bixin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo is baheysanaya oo deegaanka ah ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan, kuwaasoo la sheegay inay iska caabiyeen ciidamadii weeraray, iyadoo xaalada degmada Wadajir ay tahay mid kacsan.

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dagaalka oo wali socdo ay dhici kartaa inay jiraan qasaarooyin ka dhashay oo soo gaaray dad rayid ah.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Like it? Share it!