Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha

by hanad | Sunday, May 18, 2014 | 236 views

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ambaqaadaya mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre, iyadoo dooda Xildhibaanada ka yeelanayaan mooshinkan uu noqon doono mid kulul.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaano fara badan oo si qoray inay ka doodaan mooshinkan laga keenay Wasiirka ayaa la filayaa inay saaka ka doodaan, iyadoo marka ay soo dhamaato dooda Xildhibaanada ay noqon doonto in codka kalsoonida loo qaado.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta uu ajandihiisa yahay mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo xusay in Xildhibaanada ka doodi doonaan.

“Mooshinka maanta ayaa laga doodayaa, dhowr Xildhibaan is qortay, si ay uga hadlaan, waxyaabaha ku qoran mooshinka ayaa waxaa ka mid ah eedeyn Wasiirka loo jeediyay ee ah arrinta maamul u sameynta inuu ku xadgudbay, gaar ahaan sharcigii sanadkii 2013 ee baarlamaanka meel mariyay ee maamul u sameynta”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Ilaa 65 mudane ayaa todobaad ka hor ka soo gudbiyay mooshin Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana uu noqonayaa Wasiirkii u horeeyay ee Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo mooshin ka dhan ah loo gudbiyo Baarlamaanka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Like it? Share it!

Leave A Response

You must be logged in to post a comment.