Booliska Faransiiska oo soo bandhigay sawirada iyo magacyada dableydii weerartay Xarunta Wargeyska

by A M | Thursday, Jan 8, 2015 | 9065 views

Booliska Faransiiska ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirada labo nin oo shalay weerartay xarun Wargeys ku yaal magaalada Paris, iyadoo uu socdo howl galka ballaaran oo lagu baadigoobayo raggan,

Weerarka lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo ayaa lagu dilay ilaa 12 ruux oo sideed ka mid ah ay ahaayeen wariyeyaashii ka howl galayay Wargeyska.

Labada nin ayaa ah walaalo lagu kala magacaabo Said Kouachi iyo Cherif Kouachi, kuwaasoo aad looga shakisan yahay inay weerarkii shalay fuliyeen

Qofka saddexaad oo lagu sheegay wiil 18 jir ah, laguna magacaabo Hamyd Mourad, ayaa lagu soo warramayaa in uu booliska isu dhiibay, kaddib markii uu sawirkiisa ku arkay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa sheegay in Hamyd uusan weerarka fulin, xilliga uu dhacayanya uu ku sugnaa iskuulkiisa.

Booliska ayaa baaritaanno xooggan ka wada xaafadaha caasimada Paris iyo magaalada Reims.

Ciidamada Ammaanka ayaa qaaday howl gallo ballaaran oo lagu raadinayo dableydii hubeysneyd, waxaana wadooyinka waa weyn ay xireen ciidamada ammaanka, waxaana suura gal ah in raggan ay ku dhuumaaleysanayaan bariga magaalada Paris sida booliska uu sheegay.

cherif iyo said

Faransa ayay maanta u tahay maalin baroor diiq ah, iyadoo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande uu ku dhawaaqay in calanka dalkaas hoos loo dhigayo muddo saddex maalmood ah.

Kumanaan ruux ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waa weyn ee Faransiiska, waxaana ay muddo daqiiqado u aamuseen weerarkii lagu qaaday Xarunta Wargeyska, iyagoo muujinayay tiiraanyo.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Faransiiska muddo 50-sano ah.

Like it? Share it!