Cabdi Jiinow Calasow oo amray in muddo 24 saacadood ah lagu xiro Radio Jowhar

by mahad muuse | Thursday, Jul 24, 2014 | 3670 views

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa soo saaray wareegto uu ku amrayo in albaabada loogu laabo idaacada kaliya ee ka howlgasha degmada Jowhar ee Radio Jowhar.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow ayaa timid kadib markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar isagoo ka maqnaa muddo saddex bilood ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho.

Cabdi Jiinow Calasow ayaa wareegtada uu idaacada ku xirayo ugu mar-marsiyooday in wasaarada xanaanada xoolaha ay ka codsatay in la siiyo dhisme uuna siinayo xarunta ay idaacada Jowhar ku shaqeynaysay muddo 12 sano ah.

Inkastoo aysan jirin baahi rasmi ah oo Wasaarada Xanaanada Xoolaha u qabto in dhismahaas ay xilligan degto, maadaama aanay xafiis ku laheyn Gobolka, ayaa hadana loo arkaa go’aankan mid Gudoomiyaha gaar u ah.

Shir jaraa’id oo u qabtay Agaasimaha idaacada Jowhar Maxamed Abuukar Caseyr ayaa ku tilmaamay wareegtadan mid aan macquul ahayn adduunkana aysan ka dhicin in xarun warbaahineed muddo 24 saacadood ah lagu xiro

Xarunta idaacadana ay tahay mid uu siiyay maamulkii hore uga jiray gobolka Sh/dhexe ee uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (MaxamedDheere).

Dhismahaan oo ahaa meel banaan ayaa idaacada Jowhar ay dayactir ku samaysay isla markaana bulshada ugu adeegeysay illaa iyo mudadaas marka laga reebo xilliyadii Alshabaab ay ku sugnaayeen gobolka.

Amarkan ka soo baxay Cabdi Jiinow ayaa ah mid uu ku caburinayo saxaafada gobolka Sh/dhexe iyadoo dhowaan warar soo baxayay ay sheegayeen in dowlada ay u soo magacaabeyso maamul cusub gobolka Sh/dhexe.

FADLAN HALKAN HOOSE KA AQRISO WAREEGTADA CABDI JIINOW

Scan

Like it? Share it!