Naadiga AC Milan ayaa shaqadii tababaranimo ka eriday Vincenzo Montella iyadoo ku bedeshay Gannaro Gattuso oo hore ugaga mid ahaa ciyaaryahanadii naadiga AC Milan.

Kooxda ayaa kaalinta 7aad kaga jirta kala horeynta kooxaha Serie A iyadoo leh labaatan dhibcood waxayna ka hooseysaa 18 dhibcood naadiga Napoli.

AC Milan ayaa Axadii barbaro goolal la’aan ah la gashay kooxda Torino iyadoo marti loo ahaa, waxaana laga badiyay lix jeer 14 kulan oo muhiim u ahaa xilli ciyaareedkan.

Gattuso, oo hore qadka dhexe uga ciyaari jirey AC Milan ayaa  tababare u ahaa kooxda da’ayarta naadiga inta aan loogu yeerin inuu leyliyo kooxda AC Milan.

39 jirkan ayaa u saftay naadiga AC Milan intii u dhexeysay 1999-2013 isagoo kula guuleystey naadiga horyaalka Serie A iyo labo koob oo ah koobka Horyaalada Yurub Champions League.

Tababaraha la eryey Montella ayaa boggiisa soo dhigey inuu ku faraxsan yahay in uu soo leyliyay naadiga AC  Milan. Qoraal ka soo baxay naadigana waa loogu mahadceliyay mudadii uu soo carbinayay naadiga.

Kooxda AC Milan ayaa ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga 18 jeer, halka ay 7 jeerna qaaday koobka Horyaalada Yurub balse kama soo muuqan saddex koox ee ugu horeeya horyaalka Serie Ada tan iyo sanadkii 2013.

Hase yeeshee kooxda ayaa lagu qarash gareeyay £205m iyadoo ciyaartoy cusub la soo wareegtay tan iyo markii kooxda uu iibsaday ganacsadaha reer China ee Li Yonghong bishii April ee sanadkii hore.