Ciyaaryahanka xulka Argentina Sergio Aguero ayaa lagula cararay isbitaal kadib markii uu ku miyir doorsoomay ciyaar saaxibtinimo oo ay xulka Argentina kala kulmeen guuldaro xulka Nigeria ciyaar ka dhacday magaalada Krasnodar ee dalka Ruushka.

Weeraryahanka Manchester City ayaa la sheegay in uu miyir doorsoomay xilligii lagu jirey nasashada oo ay dhamaatay qeybtii hore ee ciyaarta.

Aguero oo ku bilowday ciyaarta ayaa u dhaliyay xulkiisa goolka koowaad daqiiqadii 36-aad, balse waqtigii nasashada ayaa uu xanuunsaday.

Xiriirka kubbada cagta ee Argentina ayaa ku soo qoray bogooda Twitterka in si taxadar ah awgeed loo geeyay isbitaalka balse ma bixin wax faahfaahin ah,

Ciyaarta saaxibtinimo ee ay wada  yeesheen Argentina iyo Nigeria ayaa ka maqnaa Lionel Messi balse xulka reer Argentina ayaa labo gool ku hormaray,balse xulka Nigeria ayaa  soo celiyay labada gool laba kalana ku bedelay.

Ever Banega iyo Aguero ayaa labada gool u dhaliyay Argentina balse intii aysan dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Kelechi Iheanacho oo u ciyaara Man City gool u dhaliyay xulkiisa Nigeria.

Balse qeybtii dambe ee ciyaarta labo gool waxaa u dhaliyay xulka Nigeria weeraryahanka naadiga Arsenal Alex  Iwobi halka goolka afaraadna xulka Nigeria uu u dhaliyay  Brian Idowu qeybtii dambe ee ciyaarta.

Daafaca reer Argentina Javier Mascherano ooka hadlay ciyaartan ayaa  yiri;
“Inaad la ciyaarto koox xag jir ahaan dhisan waad ka shalaydaa, waa ay na dardareen balse waan isku daynay inaan soo qabano waana awoodi weynay.”

Argentina ayaa u soo gudubtay tartanka ciyaaraha  adduunka wareegii ugu dambeeyay ee kulamadii isreebreebka ee xulalka Koofurta America mana la soo shir tegin ciyaar wanaagsan sida marwalba laga  fisho xulkan marka uu ka maqan yahay Messi.