Kooxda Barcelona ayaa 3-0 ku xasuuqday Real Madrid, kaddib ciyaar xiiso laheyd oo galabta ka dhacday garoonka Santiago Bernabue.

Ciyaartan oo ka mid ah kulamada El Clasico ayaa aheyd mid si aad ah loo wada sugayay, waxaana ay aheyd is araga hore ee Horyaalka Spain ee La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay goolal la’aan, waxaana labada kooxood ay bandhig ciyaareedkooda ahaa mid degan, waxaana jiray fursado kooban oo ay kale heleen.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Real Madrid laga dareemay hoos u dhac weyn, iyadoo dhexdeeda ay furantay.

Luis Suarez ayaa hoggaanka u dhiibay Kooxda Barcelona daqiiqadii 53aad ee qeybta labaad, kaddib markii uu baas ka helay saaxibkii Sergio Roberto.

Lionel Messi ayaa goolka labaad u dhaliyay Barcelona daqiiqadii 64aad, kaasoo ahaa rigoore laga dhigay daafaca Real Carvajal, kaasoo si ula kac ah gacanta ku soo celiyay kubad shabaqa u sii socotay, sidaasna lagu siiyay kaarka cas.

Messi ayaa dhaliyay goolkiisa 25aad ee kulanka El Clasico oo ay isaga hor yimaadaan Kooxda Real madrid, waana ciyaaryahanka ugu badan ee goolasha ka dhaliyay Kulamada El Clasico.

Real Madrid ayaa wixii markaas ka dambeeyay la waayay, waxayna soo bandhigeen ciyaar aan la jecleysan, iyadoo si wacan loogaga heystay kubadda.

Daqiiqadii 90aad, daqiiqadihii dheeriga ahaa ayaa Barcelona dhalisay goolkii saddexaad oo ka fara baxsatay goolhaye Navas, kubad uu soo tuuray Aleix Vidal oo bedel ku soo galay.