Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee ay la soo deristay mashaqo dhinaca dhaawaca jirkiisa ah ayaa lagu wadaa inuu garoomada ka maqnaado labada bil ee soo socota sida ay daabaceen wargeysyada ka faalooda arrimaha ciyaaraha.

Laacibkan ayaa la sheegay in dhaawacii ugu dambeeyay uu ka soo gaaray xilli uu tababar la qaadanayay kooxdiisa.

Tijaabooyin la marsiiyay ayaa lagu sheegay inuu gaaray dilaac muruqa ah, inkastoo la shaacin muddada uu garoomada ka maqnaan doono misane uma badna inuu garoomada soo galo inta ka harsan sanadkan.

Laacibka reer Wales ayaa waxaa la soo dersay dhaawacyo joogta ah, tan iyo sanadkii la soo dhaafay 60 kulan ay kooxdu ciyaartay ayuu ka soo muuqday oo kaliya 20 kulan.

Tan iyo sidii uu ugu soo biiray Real Madrid 2013. Bale ayaa Los Blancos u saftay oo kaliya 159 kulan taa oo caddeynaysa dhaawacyada joogtada uu garoomada uga maqnaa.